3 waxyaabood oo jebiyey ajandihii shirka Garoowe

1 – Ajandaha uu lahaa kulanka Garoowe ayaa ahaa in ay madaxdu ka wada hadlaan sidii loo caddaynlahaa mawqifka doorashada soo socota ee dawladda soomaliya iyo hannaankeeda.

In kasta oo markii shirka la shaaciyay aysan jirin hannaan sax ah oo loogu taloagalay doorashada soo socota, haddana waxaad mooddaa in ay madaxda dawladda federaalku jawaab ka dhigeen meel marintii ansixinta golaha wasiirradu ansixiyeen hannaanka xisbiyada iyo doorashada. 

Meel marinta sharcigan ayaa guud haan bedelay ajandihii shirka amase ka dhigay mid yareeya gaashaankii badnaa ee dawlad gobolleedyadu u siteen dawladda dhexe, waana macquul in ajande kale uu shirku isu bedelo.

2 – Arrinta kale ee lama filaanka ahayd ayaa ah in ra’isal wasaare Khayre uu Garoowe ka degay isaga oo aan wadan wax ciidan ah, balse uu door biday in uu amnigiisa u dhiibo ciidanka butlaan. 

Tan ayaa noqonaysa hal-qabsi weeyn oo uu ra’isal wasaaruhu ku hal-qabsan doono, tusinna doono maamul gobolleedyada in uu waajib yahay hirgalka nidaamka federaalku, sababta uu ciidanka isugu aaminayna ay tahay mid u ku caddaynayo in aysan jirin kala fogaansho siyaasaddeed, si taas la mid ahna uu madaxda maamul gobolleedyada ka codsado in ay sidaas mid la mid ah isugu soo aamminnaan ciidanka soomaliya oo ay yimaaddaan muqdisho iyaga oo aan wax baahi ciidan ah u baahnayn. 

3 – Oggoolaanshaha bilaa shuruudda ah ee madaxda dawladda federaalku si wada jir ah uugu tageen Garoowe ayaa iyana ah mid si weeyn u bedelaysa fikirkii ahaa “mindi-mindi ku taagta” ee ay maamul gobolleedyadu ku hayeen dawladda dhexe, waana tallaabo la dhihikaro dawladda dhexe waxay tusaysaa bisayl siyaasaddeed. 

In kasta oo ay beryihii dambe soo baxayaan warar sheegaya in beesha caalamku dalwdda dhexe ka codsatay in ay ka qayb-galaan shirka Garoowe, haddana arrinkaas waxaan u arkaa mid ah waxba kama jiraan. 

Kulanka Garoowe waa mid dawladda hadda jirta u ah sahan siyaasaddeed  oo ay ku doonayso meel marinta doorashada soo socota, waana tallaabo laga yaabo in ay ku doonayso xod-xodasho ay ku xod-xodato siyaasiyiin muhiim ah, taas oo ay kaga dhaadhiciso meel marinta qorshaha doorasho ee ay dawladdu soo jeedisay taas oo ay macquul tahay in ay hadhow sahasho muddo kororsiga dastuurku oggolyahay. 

Markasta dawladda dhexe Waxaa ay Garoowe la tegaysaa arrin ah canaan ay kala dul-dhacd maamul gobolleedyada taas oo ay ku dhaliilaan in aysan marnaba tix-gelin baaqyadii shirrarkii muqdisho, taas oo ay dawladda dhexe ku caddaynayso in shirarkaasi ay ahaayeen kuwo lagaga arrinsanlahaa xaaladda maanta Garoowe loo joogo iyo hannaanka geeddiga waddanka, in kasta oo aysan dawladda dhexe xilligaas ajandayaasha kulamadii fashilmay aysan ku jirin wax ku saabsan hannaanka doorashada waddanka, haddana dalwadda dhexe hirgelka kulamadaas ay macquul noqonlahayd in la isla soo hadal qaado hannaanka doorasho amase loo sameeyo kulan ku xigilahaa kuwaas. 

Si kasta kulanka Garoowe waa mid uu bedelmay ajandihii la shaaciyay, waana mid ay macquul tahay in meesha la keeno qorshayaal hore kulankoodu u baaqday taas oo ay dawladda federaalku wadatay.

W/Q: Cumar Rodol
Cumarrodol@gmail.com
Hyderabad, India 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid