Xog: Madaxda ku sugan Garoowe oo laba garab noqday iyo loolan billowday

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in madaxda ku sugan halkaas ay u kala jabeen labo garab.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa billaabay kulamo kala duwan oo la yeelanaayo madaxda dowladda taageersan dowladda ee HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed, isaga oo ku qancinaya in ay taageeraan go’aamada ay dowladda dhexe shir geyso.

Sida aan xogta ku helnay, Kheyre ayaa rumeysan in haddii xitaa mid ka. id ah labadan maamul uu la safta maamullada kale in dowladda looga adkaan doono shirka. Waxa uu si gaar ah uga cabsi qabaa madaxweynaha HirShabeelle, oo bilihii dhowaa marar badan cambaareeyey dowladda, inkasta oo uusan si toos ah uga soo horjeesan.

Dhinaca kale, waxaa Iyana kulamo gaar ah ay leeyihiin Madaxda Puntland, Jubbaland iyo Galmudug, oo isku dhinac ah, islamarkaana doonaya inay dowladda si kulul ugu weeraraan shirka.

Shirka oo markii horeba aan lahayn ajande cad, ayaa waxaa hadda la rumeysan yahay in xoogiisa uu noqon doonoa doorashada 2021, kadib sharcigii muranka dhaliyey ee doorashada oo ay ansixyeen golaha wasiirada.

Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in madax goboleedyada ay dalban doonaan in dowladda ay ka dhex-baxdo ayaga iyo beesha caalamka, oo si toos ah ay deeqahooda u helaan, taasi oo dowladda aysan ogoleyn.

Madaxweyne Farmaajo oo caawa tagay ayaa ku howlan isku soo dhaweynta Madaxda ku sugan magaalada Garoowe, waxaana uu ka cabsi qabaa in haddii shirka uu fashilmo uu dhaawac iyo magac xumo siyaasadadeed gaarsiin doono dowladda.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com