24.7 C
Mogadishu
Saturday, July 25, 2026

Ciidamada Somaliland oo xabsi dhigay wiil calanka Somalia ku labisnaa + Sawiro

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) ― Ciidamada Booliska Somaliland ayaa saaka xabsiga dhigay wiil dhalinyaro ah oo ku labisnaa dhar calanka Soomaaliya ah.

Ciidamada ayaa badhtanka suuqa Hargeysa ka soo xiray wiilkan dhalinyarada ah oo ka tukaameysanay meel dhar lagu gado.

Deegaanada Somaliland ayaa waxa looga diyaar garoowaya xuska 18-May, taasi oo loo badinayo in Xukuumada Biixi u aragtay in wiilkan dhalinyarada ah uu kasoo hor-jeedo dowladnimada aan wali la aqoonsan ee Somaliland.

Ilaa iyo hadda ma jirto wax faah-faahin ah oo Laamaha amaanku ay ka bixiyeen xariga wiilkan dhalinyarada ah ee lagu soo xiray calanka Soomaaliya ee uu ku labistay darteed.

Si kastaba, Maaha markii u horeysay ee Xukuumada Somaliland ay xabsiga dhigto dad ku labisan calanka Soomaaliya, iyada oo muddooyinkii u dambeeyay uu sarre u kacay xariga Xukuumada Biixi kula kacdo dadweynaha ku nool Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60