Garowe (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya xiisadda ka taagan gobolka Sanaag iyo dagaalo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolkaasi, iyadoo lagu waramayo in ciidamo maleeshiyaad ah ay la wareegeen deegaano dhowr ah oo ku yaala gobolka Sanaag.
Golaha wasiirada maamulka Puntland ayaa kulan deg deg ah ka leh xiisadda kasoo cusboonaatay deegaanada gobolka Sanaag, iyaga oo kulankooda kadib soo saari doono waxyaabaha kasoo baxa.
Wararkii ugu dambeeyay ee aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada Maleeshiyaadka ah ay la wareegeen deegaanka Badhan iyo deegaano kale oo hoostaga, waxaana ciidamadaasi la sheegay inay ka amar qaadanayaan Puntland.
Wasiirka Wasaaaradda Waxbarashada Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa dhawaan tegay deegaanka Damalla-xaragge ee Gobolka Sanaag,hayeeshee waxaa dagaal kala hortegay Ciidamo ka tirsan Soomaaliland,taas oo keentay in maleeshiyaad hubeysan ay deegaankaas tagaan.
Kulanka golaha wasiirada ayaa waxaa warbixin looga dhegaysan doonaa xubno uu kamid yahay wasiirka waxbarasahda Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan oo xilli uu kormeer kujirey ay ciidanka Somaliland isku ku dagaalameen deegaamo kuyaal duleedka Ceerigaabo.
Deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag waxaa isku heysta Maamulada Puntland iyo Somaliland waxaana marar qaarkood ka dhac dagaalo u dhexeeya Ciidamo kala taabacsan labada dhinac oo isku haysta cida maamulaysa.
Caasimada online
Xafiiska Puntland
[email protected]