Somaliland oo war kasoo saartay heshiiskii buray ee beelaha isku dagaalay…

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka hadashay hal qof oo shalay lagu dilay Degmada Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag.

Dilkan shalay ka dhacay degmadaasi ayaa waxa lagu dilay Nin kasoo jeeda mid kamida beelaha dega Ceel Afweyn oo hore loo heshiisiyey.

Wasiirka Ciyaaraha Somaliland, Boos Mire Maxamed oo maanta warbaahinta kula hadlayey xafiiskiisa Hargeysa ayaa waxa uu ka hadlay arrintaasi, wuxuuna yiri

“Ceel Af-wenyn oo haddii wax ka dhacaan ay Somaliland oo dhami ka wada naxaan, shalay Nin baa lagu dilay ah beelihii wixii awood ku baxday aad ogaydeen, wixii kharash iyo Gurmad ku baxay, iyagoo waxoodii intii badnayd dhamaystay oo xitaa Magahii kala qaatay in hadda wax wixii u eg ay soo noqdaan waa arrin aad iyo aad looga naxo”.

“Somaliland waxay ku noqotay boog xun, kuwan Maalmahan Ramadaanta ah ee Ilaahay doortay Dhiigga Qofka Muslimka ah daadinaya waa Mushkilad inteeda leeg, Ilaahay ha innaga damiyo”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaan baaq u dirayaa Beesha uu ka soo jeedo Marxuumka uu dhintay ee dhibbanaha ahi sidaynu hore ugu ballannay, nabadda iyo colaaddaba waad joogteen, markaa waa inaad samirtaan oo aad sugtaan Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, beesha kalena waxaan leeyahay ee Qofka wax geystay ka dhashay Caqliga dib ha loogu noqdo”

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com