Geel-jire oo Ciro ka difaacay eedeymo uga yimid Biixi

Hargeysa (Caasimada Online) ― Siyaasi Cabdilaahi Jaamac Cismaan ‘Geel-jire’, ayaa Guddoomiyaha xisbiga Waddani ka difaacay eedeymo uga yimid Madaxweyne Muuse Biixi.

Geel-jire ayaa sidoo kale waxa uu naqdiyay qudbadii Madaxweyne Muuse Biixi u jeediyay shacabka hargeysa munaasibadii 18-May, taasi oo uu ku tilmaamay khudbad xisbi oo olole doorasho ku jira.

Siyaasi Geel-jire oo wareysi gaar siinayey mid kamida telefishanada soomaalida, ayaa waxa uu ka hadlay arrimahaasi, wuxuuna yiri “Khudbada madaxweynaha waxaan ahaa dadkii ka rajaynayay in Madaxweynuhu fursadan ka faa’iidaysto oo uu jeediyo khudbad maalinta qaranka u qalanta oo kalgacal ku dheehanyahay oo dadka ururinaysa oo midayneysa oo isu soo dhawaynaysa quluubta shacabka oo kooban”.

“Waxaan barteyda facebooka ku soo qoray wada jir ka hadal madxweyne oo ku tun-tuunso wada jirka umadda iyo niyad wanaaga khudbadaada soo socota, laakiin markaan dhagaystay nasiib darro kamaan helin wixii aan ka sugayay aniga iyo dad kaleba, waxaanay u eekayd khudbad xisbi oo xisbi olole ku jira, waxay ahayd khudbad aan waxba ka qaban kala qaybintii dadka ku dhacday iyo tabashooyinkii jiray”.

“Madaxweynuhu wuxuu ka bilaabay bilowga khudbadiisa heestii waabaa beryay oo laba bayt ah, wuxuunan carabka ku sii xejiyay kuwii ‘Kuwii ka baydhee, bahdooda ka leexday waa baaba’ooda.’ inuu qaybtaas dambe jeclaa ayaad moodaysay”.

Wuxuuna intaas ku daray “Xisbi dhan (Waddani) oo ilaa 10 qof oo madaxdooda ahi fadhiday oo guddoomiyihii ku jiro muu magacaabin inay fadhiyaan, iyagoo fadhiya ayuu guddoomiyahoodii eeddo halkaas uga jeedinayay dadkana wuxuu lahaa taageerayasha Waddani iyo inta kale ayuu u kala qaybinayay”.

“Madaxweynuhu muu lahayn umadda Somaliland ee uu masuulka ka wada yahay, iskumuu wada qaadin ee dad kala jaada ayuu tilmaamay oo qaarna taageerayasha Waddani yihiin inta kalena dad kale yihiin”.

“May ahayn khudbadii dadka isu keeni lahayd, ee dadkan isu soo dhawayn lahayd, waxa kale oo iiga muuqatay arrinta doorashada inaanu si daacad ah uga waramin ee mawqifkii isaga iyo xisbigiisa kulmiye iyo UcId wada gaadheen ayuun buu ka dhigay tanaasul uu isagu sameeyay”

“Mana ahayn tanaasul ee waa mawqif uu gaadhay oo wixii ay Waddani doonayeen kamuu jawaabin, markaas anigu wax alaale wax ay soo kordhisay oo ahinaynu ahayn sidii maalintii ka horaysay aynu ahayn, wuxuun baa faraq ah dadka dabaal degayay ee waddaniyada jecel ee aynu ka mid nahay”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com