Kenya iyo Itoobiya: Isbaheysiga hagardaamada iyo fashilinta Soomaaliya

Wixii ka dambeeyay bur-burkii Soomaaliya , Kenya iyo Itoobiya si cad ayay u sheegeen inaysan oggoleyn in Soomaaliya ay hesho dowlad dambe oo xoog leh oo ka shaqeysa danaha dadkeeda iyo dalkeeda. Muddo ku dhow 20 sanadood Kenya iyo Itoobiya waxay lahaayeen isbaheysi ay ku mideysan yihiin oo la yiraahdo “Hagardaamada iyo fashilinta ”.

Bishii December 5-teedii 2002, waxay hoggaamiyeyaashii labadan dal ee Daniel Arap Moi iyo Meles Zenawi ay shir weyne la qaateen maamulkii madaxweyne George Bush, waxana ugu warbixiyeen qorshahooda ku aadan Soomaaliya iyo shirkii Eldoret oo bil ka hor markaas billowday.

Isla maalinkaas wuxuu Daniel Arap Moi khudbad ka jeediyay Jaamacadda Difaaca Mareykanka ee Washington, wuxuuna yiri “Kenya iyo Itoobiya ma oggola dowladnimo ka dhalata Soomaaliya, waayo; 1. Soomaaliya haddii ay xoog yeelato waxay ku soo fideysaa dhulalka ay sheegato, 2. Kenya dhaqaale ahaan ma dooneyso Soomaaliya oo dhisanta iyo 3. Itoobiya ma oggola Soomaaliya oo awood ciidan oo xoog leh yeelata”

Waxaan xasuustaa anigoo markaas saxaafadda ku cusub oo aan fikrad badan la heysan siyaasadda dalalka deriska ah inaan wargeyska Standard ka akhriyay warbixin uu ka sameeyay hadalkii madaxweyne Moi, waxayna makaxdedu falanqeyn weysay arrintaas, waloow aan u arkay ay inuu yahay fadhi-ku-dirir madaxweyne howl gab noqday.

Labadan dal qorsheyaashii ugu horeeyay ee ay shirkaas Eldoret ka damacsanaayeen waxaa u hirgalay waxaa ka mid ahaa in Soomaaliya maamul goboleedyo federal ah oo aan ku wareerno, iyaguna ay dantooda ku gaaraan. (Waa waxa hada taagan). Itoobiya waxay dooneysay inay maamul goboleed kasta uu yeesho dekad, ayna xuduud la leedahay, waa u suurto gashay. Kenyana waxay dooneysay inay hesho meel ka baxsan xuduudeeda oo ay degto oo ay Soomaaliya ka maamusho (buffer zone) waana u suurtagashay, waloow markii hore ay ku fashilantay maamul goboleedkii Azania oo ay Nairobi ku sameysay.

Waxay Kenya iyo Itoobiya u arkeen dowladdii Cartahalis, maadaama ujeedada ugu weyn ee TNG ay aheyd dib u heshiisiin, midnimo iyo dib u habeyn dowladnimada Soomaaliya. Waxay Isbaheysigan ay TNG ka bixiyeen sawir khaldan iyo barabagaando waxayna caalamka ku faafiyeen in C/qaasim iyo maamulkiisuba inay yihiin muslimiin xag jir ah.

Mareykanka iyo reer Galbeedku, iyagoo ka cabsanayay in xoogag shisheeye oo argagixiso ah oo danahooda ka soo horjeeda ay ku soo dhuuntaan Soomaaliya, gaar ahaan dadkii ka dambeeyay qaraxyadii safaaradaha mareykanka ee Kenya iyo Tanzania waxay u dhaga nuglaadaan Kenya iyo Itoobiya, waxayna taageereen qorshahooda dhibaateynta Soomaaliya.

Intii uu socday shirkii Eldorate oo dhinaca kale xoojiyay xiriirka Kenya iyo Ioobiya, waxaa jiray shakhsiyaad arkayay khatarta labadan dal oo shirka ka baxay, waxaa ka mid ahaa madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed, xubno ka tirsanaa dowladdii TNG ee madaxweyne Cabdiqaasim Salaad, aqoonyahano, qurbajoog iyo madaxweynihii Puntland C/llaahi Yuusuf Axmed oo laakiin dib ugu soo laabtay shirka madaxweynena ka noqday dowladii lagu soo dhisay.

Isbaheysiga dhibaateynta Soomaaliya, waxaa dhawaan soo dhexgalay khilaaf ku saabsan arrimaha Soomaaliya, kaddib markii dowladda Soomaaliya ay shukaansi hoose la gashay Itoobiya iyo Eritrea kana codsatay in faragalinta laga daayo – waatii madaxweyne Farmaajo yiri “Wabigii waan soo xiray” si cad ayuu Farmaajo ugu sheegay raisul wasaarihii hore ee Itoobiya Hailemariam Desalegn in Itoobiya caqabad weyn ku tahay Soomaaliya markii uu safarkii ugu horeeyay Itoobiya ku tagay.

Khilaafkaas waxaa isbaheysigu ka heshiiyeen bishan 13-keedii, waxaana shir Nairobi ka dhacay iskugu yimid madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo madaxweynaha Itoobiya Sahle-Work Zewde.

Sababta ay Kenya u sheeganeyso badda Soomaaliya waa qeyb ka mid ah majuujinta iyo soo yareynta Soomaaliya. Sidaas oo kale dhibaateynda waxaa ka mid ah dhismaha ciidanka badda ee Itoobiya oo si xowli ah u socda.

Ciidanka Itoobiya iyo Kenya ee jooga dalkeena waa duullaan cad oo jujuub ah. Kuma joogaan rabitaan Soomaaliyeed, kamana amar qaataan hoggaanka AMISOM oo ay kaarkooda ku shaqeystaan.

Kenya, wacyigalin xoog leh oo ka dhan ah Soomaaliya ayay shacabkeeda siisay, iyadoo u mareysa jaamacadaha iyo warbaahinta, kamana xishooneyso wax kasta oo ay cadaadis nagu saari karto, waayo u jeedo ballaaran ayay leedahay, inaguna sidaan u cuneynay qaadkeeda ayaan hurdo ka soo kici la’nahay.

Ugu dambeyntii, Itoobiya marnaba lama aamini karo Ra’isul Wasaarahooda loo maleynayo inuu yahay nin maskax furan waa koobiga Meles Zenawi. Aad iyo aad ayaan uga walaacsanahay qorsheyaasheeda cusub oo ay ka mid yihiin is dhexgalka geeska Africa, waxaana u arkaa inuusan dabin loo dhigay Soomaaliya.

Hadaba, dadka Soomaaliyeed goormee fahmi doonaan dhibaatadan muuqta? Maxaa nagu dhacay oo aan u fahmi la’nahay qorshaha cad ee labadan dal ay ku doonayaan inay kula wareegaan dalkeenna? 30- sano kaddib yaan sugeynaa oo dalkeena dib noogu habeynaya?

Canaantii walaalkeen madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle waxay aheyd “Soomaaliyey SHAME ON YOU”

W/Q: Farah Blue 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid