Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa markii u horeysay shaacisay inay Imtixaankeeda Shahaadiga uusan gaareyn degmada Badhan, kaasi oo la filayo inuu bilaabmo 15-ka bishan June.
Wasiirka Waxbarashada Somaliland, Jaamac Cismaan Aadan oo maanta warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa ayaa shaaciyey in Imtixaankaasi uu ka qabsoomeyn dugsiyo ku yaala degmada Badhan.
Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dugsiyadaasi laga joojiyey Imtixaanka ay dhaqaalo maaliyadeed ka qaateen Maamulka Puntland, taasi oo uu sheegay inay u suuro-galisay Puntland inay ka qaado Imtixaankeedi shahaadiga ahaa.
“Deegaanka Badhan oo dhan maaha waa laba Iskuul, waana inta Puntland ka qaadata Imtixaanka, Wasaaradda Waxbarashada Somaliland way ka tirsan-yihiin, Macalimiinta waxa laga gunneeyaa halkan, ha yeeshee way laba afleeyaan oo halkaana way ka gurtaan” ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada Somaliland.
Wuxuuna intaas kusii daray Wasiirku “Markaa Imtixaankii waanu ka joojinay, Waxaan maqlayey inay hadda Codsi soo qorteen oo ay doonayaan oo ay leeyihiin u noqon mayno ee Imtixaanka ha lana siiyo, laakiin Go’aan la gaaray hadda ma sheegi karo”.
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]