Video: XAAF oo hanjaby, iyo wasiir ka tirsan DF oo lala korayo maxkamad

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka hadlay caqabadaha wali hortaagan maamulka Galmudug ee sababay inay horumar gaari waayaan.

Madaxweyne Xaaf ayaa shaaciyay in dadka uu ku tilmaamay inay ka horjeedaan maamulkiisa aysan horumar la dooneyn Galmudug, islamarkaana ay doonayaan dib u dhac maamulkaasi uu ku jiro.

Wuxuu soo hadal qaaday in muddo sanad ah uusan tagin guriga uu ka degen yahay magaalada Muqdisho, walow uusan sheegin cidda u diiday inuu yimaado, laakiin waxaa halkaasi ka muuqaneyso inuu saameeyay khilaafka kala dhaxeeyo dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sheegay in muddo sanad ku dhow diyaarad uu ku dulmarayo marka uu doonayo inuu tago magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug., agaalada Cadaado oo ah halkii lagu doortay.

“Culees badan ayaa ina heysta waad og tihiin, waana iska caabineynaa, dadka naga soo horjeedo walaahi inaysan dooneyn wanaageena, markaan halkaan imaaneynay mashaariic badan ayaa la dhagax dhigay, aaway wax nagu soo laabtay ma aragteen”

“Hal sano aniga xitaa gurigeyga ma tagin, Cadaadana Diyaarad ayaan ku dul marayay, cidina naguma gumeysaneyso Galmudug, waan ka shaqeysaneynaa, waana joogeynaa, awal waxbaan daneynaynay, laakiin hadda dalka yaga ayaan ka shaqeysaneynaa”.ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.

Sidoo kae wuxuu sheegay inay dhismo ku wadaan ciidamada kala duwan ee Galmudug, islamarkaana loo diyaarinayo inay difaacaan Galmudug.

“Wax badan oo aan loo jeedin ayaa inoo imaanaya, warshado ayaan dhisaneynaa, wax badan oo aan dhisan karno ayaa jira, wax walbaana waan heleynaa, ciddii nasoo weerartana gaashaanka u daruureynaa, ciidamada waan dhiseynaa, Gaalkacyo waan dhisnay, magaaloyinka kalana waan dhiseynaa”ayuu yiri Xaaf.

Caasimada Online
Xafiiska Galmudug
Caasimada@live.com