Diyaarado duqeyn ka fuliyey gudaha dalka Sacuudiga

Sanca (Caasimada Online) – Ciidamada Xuutiyiinta Yemen ayaa weerar ay u adeegsadeen diyaarad Drone ah ku qaaday garoonka diyaaradaha gobolka Jizan ee dalka Sacuudiga.

Taleefishinka Al-Masirah ayaa weriyey in diyaarad dagaal oo nooca Qasif-2K ay beegsatay dhufaysyo ku yaalla garoonka diyaaradaha Jizan, kadib markii ay Xuutiyiinta warbixin sirdoon kasoo ururiyeen halkaas.

Ilo-wareedyo milatari ayaa sheegay in Sacuudiga ay garoonka diyaaradaha u beddeleen saldhig milatari oo laga weeraro Yemen.

Toddobaadyadii dhowaa, ciidamada Xuutiyiinta ayaa kordhiyey weerarada loo adeegsanayo diyaaradaha drone-ka ee laga fulinayo gudaha dalka Sacuudiga, gaar ahaan garoomada diyaaradaha ee gobollada Jiza iyo Najran, ee ku dhow Yemen, ayaga oo ka aarugdanayo dagaalka Sacuudiga uu ka wado Yemen.

Bishii tagtay, diyaarado ayaa sidoo kale beegsaday goobaha saliidda laga soo saaro ee magaalada caasimadda u ah Sacuudiga ee Riyadh, taasi oo hakad gelisay wax soo saarkii saliidda Sacuudiga.

Illaa iyo hadda lama yaqaan khasaaraha ka dhashay weerarkii ugu dambeeyey ee lagu qaaday Jizan.

Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Jeddah
caasimada@live.com