Maxaa ka jira in la musuqay mashruucii shaqaaleynta ee Bankiga Adduunka?

Hargeysa (Caasimada Online) ― Hay’adda shaqaalaha Dowladda Somaliland ayaa maanta ka hadashay eedeymo musuq-maasuq oo loo soo jeediyey, kuwaasi oo salka ku hayey Mashruuca tayeynta shaqaalaha Somaliland ee uu maalgaliyey Baanka Adduunku.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Somaliland, Farxaan Aadan Haybe oo ay wehlineyso Marwo Hinda Jaamac Gaani oo ah Wasiirka shaqo gelinta Somaliland, ayaa maanta si wada jira ula hadlay warbaahinta, iyagoona ka warbixiyey qaabka uu ushaqeeyo Mashruuca dibu-habeynta shaqaalahu.

Guddoomiye Farxaan Haybe ayaa ugu horeyntii ka hadlay waxyaabaha ka jira eedeymahaasi, isagoona ka dhawaajiyey inaysan jirin lacag la-lunsaday, wuxuuna yiri

“Baanka adduunku websityadiisa ayuu ku baahiya talaabo kasta oo uu lacag ku bixiyo, macnaheedu waxa weeyi inaysan waxba qarsoomeyn, xogta la soo dhigeyna waa xog laga soo qaatay Website-ka World Bank, waxa uu soo galiyo website-kiisana suurto-gal maaha in wax la qalday ama la khiyaameyay uu soo galiyo”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Shaqada la qabtay ee aan xafiiska ugu imid baa tilmaameysa wixii dadaal ah ee la qabtay in aan jawaab ka bixiyo, si aan u ilaaliyo qiimaha iyo milgaha shaqada aanu hayno iyo sharafta Xafiiskan aan joogo, oo dhirbaaxada u weyn ee la bixinayo ku dhacayso”.

Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani, ayaa faah-faahin ka bixisay qaabka ay u baxaan lacagaha Mashruuca tayeynta shaqaalaha ee uu Baanka Aduunku ka taageero Somaliland

“Lacagtaasi 10-milyan waxa loogu tala-galay labada sanadood hore inay noqoto sanadkii walba (2017-2018) Labo milyan iyo shan boqol calaa sanad, labada sano ee ka dambeeyana midkiiba labo milyan, sanadka ugu dambeeya halka uu ka noqonayo hal milyan” ayey tiri Marwo Hinda Gaani.

Waxayna intaas kusii dartay “Waxa tagay waa labo sanno waxana ku jirna 2019-kii lacagteedina wey noo taala, lacagtuna waxay ku wareegta akoomada uu Baanka Adduunka uu leeyahay iyo Wasaarada maaliyada dhexdeeda, waxaana loo dalbaa foojar maalinta miisaaniyada loo qorsheeyay”.

Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com