‘Diyaaraddii Osama Bin Laden ee tagtay Qatar’ iyo beenta Turki al-Faisal

Doha (Caasimada Online) – Madaxii hore ee sirdoonka Saauudiga, Turki al-Faisal ayaa si ula kac ah bulshada uga marin habaabiyey xaqiiqda safarkii Osama Bin Laden uu sanadii 1996-kii uga tagay Sudan, kuna gaaray Pakistan.

Al-Faisal ayaa wareysi uu siiyey taleefishinka Al-Arabiya ku sheegay in diyaaraddii sida Bin Laden ay caga dhigatay garoonka diyaaradaha Doha ee dalka Qatar, si ay halkaas shidaal uga qaadato, halka xaqiiqda ay tahay in diyaaraddaas ay sii martay Dubai.

“Osama Bin Laden wuxuu ka tagay Sudan, waxaana diyaaradiisa ay shidaal kasii qaadatay Qatar. Inta aan ogahay lama uusan kulmin cid ka tirsan mas’uuliyiinta dowladda Qatar” ayuu Al-Faisal ku yiri wareysiga Al-Arabiya oo soconaya 22 daqiiqo.

Hadalka cusub ee Al-Faisal ayaa ah isku day cusub oo Sacuudiga uu Qatar kula xiriirinayo kooxaha argagixisada, xilli dalkaas ay saaran tahay xayiraad ay kusoo rogeen Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Bahrain, kuwaas oo ku eedeeyey inay taageerto argagixisida.

Wargeyska The Guardian ee London kasoo baxa ayaa bishii October 2001 qoray in diyaaradda Bin Laden ay caga dhigatay garoonka diyaaradaha Dubai, islamarkaana ay safarka ku wehliyeen ku xigeenkiisa Ayman al-Zawahiri iyo afar ka mid ah ilaaladiisa.

Baaritaan uu sameeyey taleefisihinka Al-Jazeera ayaa sidoo kale xaqiijiyey in Dubai ay ahayd magaaladii uu sii maray Osama, markii uu sanadii 1996-kii ka tagay Sudan una socday Pakistan.

“Diyaaraddii Bin Laden waxay ku hakatay Dubai, waxayna taasi ahayd fursad dahabi ah oo Mareykanka uu gacanta ugu dhigi karay Osama, xilli uu joogay dal saaxiib la ah Mareykanka” ayaa lagu yiri baaritaanka Al-Jazeera.

Sacuudiga ayaa waxaa dalka Mareykanka uga furan dacwad la xiriirta kaalintii ay ku lahaayeen weerarkii September 11 lagu qaaday Mareykanka ee Al-Qacida ay ka dambeysay.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
caasimada@live.com