DEG DEG: Dagaal xooggan oo ka qarxay Wanlaweyn

Baydhabo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal goor dhow ka qarxay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in saaka aroortii hore uu ka bilowday gudaha degmadaasi.

Sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah dagaalkan ayaa waxa uu dhexeeyaa labo Maleeshiyo Beeleed oo wada daga halkaasi.

Khasaare leh dhimasho iyo dhaawac ayaa jira, walow aan si rasmi ah loo ogeyn inta uu la egyahay.

Warar heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in dagaalkani uu ka dhashay muran ka dhashay Jidgooyo ay isku qabteen Maleeshiyaadkaasi hubeysan.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana weli qeybo ka mid ah magaalada laga maqlayaa daryanka hubka culus.

Dagaallada u dhexeeya Maleeshiyaadkan ayaa marar badan ku soo laa laabtay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhowr jeer ku baxay xiisadan, maana muuqato xal waara oo laga gaaray.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka, kan degmada iyo Koonfur Galbeed oo ku aadan dagaalkaasi.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
caasimada@live.com