27.2 C
Mogadishu
Thursday, November 20, 2025

Sawirro: Hogaan cusub oo loo doortay Ururka Isutaga saxafiyiinta Soomaaliyeed

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Waxaa maanta Muqdisho lagu qabtay doorashada guud ee Isutaga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FOSOJ oo Saddexdii sanaba mar la qabto iyadoo la dooranayo Xoghayaha Guud ee Ururka, Gudoomiye, iyo Gudoomiye ku xigeen.

Waxaa doorashada oo aheyd mid xiiso leh islamarkana ay u tartamayeen musharixiin kala duwan ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka socotay dowladda Soomaaliya,madaxa warbaahinada dalka iyo waliba Wariyeyaal ka kala socday goballada dalka.

Gudoomiyaha Ururka FOSOJ ee loo soo gaabiyo Federation of Somali Journalists waxaa loo doortay Abaadir Cabdiqaadir Cilmi oo la tartamayay Gudoomiyiyii hore ee ee Ururka Maahir Jaamac Aadan.

Xoghaya Guud ee Ururka Isutaga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FOSOJ waxaa loo doortay Maxamed Ibraahim Macalimow, waxaana la tartamaya Aamiin Yuusuf Khasaaro oo tanaasulay ka hor intaan la guda gali codeynta Xoghayaha Ururka, sidoo kale gudoomiye ku xigeen Muxudiin Xasan Maxamed Xusni, waxaana Gudoomiye ku xigeenka Labaad loo doortay Cabdifitaax Xasan Faarax.

Doorashada oo aheyd mid xor iyo xalaal waxaa ka soo qeyb galay sharci yaqaano ka socda garsoorka dalka kuwaa oo si dhaw ula shaqeynayay Guddiga Doorashada, waxaana doorashada ay u dhacday hab cod qarsoodi ah.

Xoghayaha FOSOJ Maxamed Ibraahim Macalimow oo ka hadlay dib u doorashadiisa ayaa waxa uu ka sheekeyay halka ay ururka ka soo qaadeen markii hore iyo heerka uu hadda taagan yahay waxaana uu Ballan qaaday inuu meel sare gaarsiin doono, iyadoo uu xusay in caqabado ka heestay dhanka magaca NUSOJ laga gudbay hadda, waxaana uu aad ugu mahadceliyay wariyeyasha dalka oo taageero weyn u muujiyay.

Sidoo kale Gudoomiyaha Ururka Abaadir Cabdiqaadir Cilmi oo isna dhankiisa khudbad ka jeediyay munaasabadda doorashada waxaana uu tilmaamay in ururka uu noqon doono mid wax qabadleh oo hurumar dhan walba leh gaarsiiya guud ahaan warbaahinta dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News