28.3 C
Mogadishu
Wednesday, November 12, 2025

Dhageyso: Wasiir Oomaar oo shaaciyey sababta uu u tagi waayey KISMAAYO

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa markii ugu horeysay waxaa uu ka hadlay sabaihii keenay in todobadyo ka hor uu ka baaqsado safar la qorsheeyay in uu ku tago Kismaayo si uu ugu dhawaaqo musharaxnimadiisa ee Madaxweynaha Jubbaland.

Wareysi uu siiyay Idaacadda Risaala ee Magalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in aadi taanka Magalada Kismaayo ay tahay mid qasab ah oo shaki geli Karin, isla markaana aysan jiri Karin cid ka hor-istaageyso.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Magaalada Kismaayo ka aheyn qof ajnabi ah oo uu ku yaalla gurigiisa,waxaana uu sheegay inaysan jirin colaad kala dhaxeysa dadka Magalada Kismaayo, hayeeshee uu ku jiro abaabul iyo olole ku aadan  musharaxnimadiisa Madaxweynaha Jubbaland.

Dhawaan ayaa War kasoo baxay Mamulka Jubbaland waxaa lagu sheegay in deegaannada Maamulkas uusan tegi Karin qof xil ka haaya Doowladda Soomaaliya,waxaana Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) uu ka mid yahay Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Hoos ka dhageyso codka wasiirka Oomaar

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News