27 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

DENI: Waxaan ugu baaqayaa Soomaalidu inay is cafiyaan

Bookmark
Bookmarked

Share

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhammaan dadka Muslimiinta, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidul Adxaa.

Deni ayaa ka dalbaday guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed in ay isku furaan qalbiyadooda, islamarkaana ay is cafiyaan.

“Waxaan u rajeynaa dhammaan Ummadda Muslimiinta, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed in ay farxad ku Ciidaan, isna saamaxaan, qalbiyadoodana isku furaan” ayaa uu yiri Madaxweyne Deni.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay ka shaqeeyaan horumarka dalkooda.

“Waa in ay si ay ku jirto Soomaalinimo, islaanimo u fiiriyaan dadka Soomaaliyeed mustaqbalkooda.” ayuu intaasi raaciyey Madaxweynaha maamulka Puntland.

Siciid Cabdullaahi (Deni) ayaa ugu dambeyn Alle ka baryey in dhibtaada iyo culeyska uu ka dul qaado Ummadda Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Garowe
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News