Xog: DF oo la wareegtay hanti ay leeyihiin agoonta Cabdifitaax Cumar Xalane

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa si xoog ah kula wareegay hanti uu leeyahay Marxuum Cabdiitaax Cumar Xalane, oo ahaa Agaasimaha Guud ee Nadaafadda iyo Bilacda magaalada Muqdisho, kaas oo ku dhintay weerarkii ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose ee Gobalka Banaadir.

Caasimada Online ayaa ogaatay in General Zakiya Xuseen oo ah Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliya ay amartay in la xiro askartii ilaalada u aheyd Marxuum Xalane.

Hub ka badan 10 qore oo ah nuuca fudud ah, rasaas iyo bastoolado IYO Sidoo kale ugu yaraan 2 gaari oo mid kamid ah uu yahay qooqan ayaa la sheegay in ay la wareegeyn Booliiska Soomaaliya.

Waxaa Xabsi ku jira dhalinyaradii hubka heysatay oo diiday in ay wareejiyaan hubkii ay heesteen oo ay sheegeyn in uu yahay hanti ay leeyihiin carruur agoon ah.

Marxuum Cabdifitaax Cumar Xalane, hantida lagala wareegay ayaa la sheegay in uu si shaqsi ah u lahaa, islamarkaana uusan aheyn hanti dowladeed, sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamid ah eheladiisa.

Amarka ay bixisay Zakiya ayaa la sheegay in ay ka dhalatay dood badan, waxaana xiligaas dalka ka maqnaa Taliyaha Booliiska Soomaaliya ayada oo Zakiya ay aheyd kusime.

Waalidka iyo ehelada siyaasiinta ah ee Marxuum Xalane ayaa dalbaday in hubka heshiis ay kula wareegto dowladda, balse waxaa diiday General Zakiya walina ma jirto wax xal ah oo laga gaaray arintaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com