DF oo keenta qorshe lacag kale looga qaadayo ardaydii gashay imtixaanka qaranka

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dhibaatooyin badan ay soo foodsaartay dhamaan Ardayda Soomaaliyeed ee sanadkaan galay imtixaanka Dugsiyada Sare ee Qaranka.

Dowladda Soomaaliya ayaa balanta uga baxday Ardayda, waxaana lagu waajib yeelay in ay lacag kale ay siiyaan Dalladaha Waxbarashada oo markii hore ballantu aheyn in Shahaado laga doonto.

Dowladda Soomaaliya, Dalladaha Waxbarashada iyo Jaamacadaha dalka ayaa ku heshiiyay ka hor imtixaanka in Ardayda galaan imtixaanka Dowladda shahaadadana ay ka qaataan dowladda oo kaliya.

Sidoo kale waxaa heshiiska ku jiray in Jaamacadaha aysan arday ku qaban karin Shahaado aan aheyn midda dowladda balse arimahaas oo dhan ayaa meesha ka baxay.

Wasaaradda Waxbarashada ayaa ardayda ku amartay in ay Documents kala yimaadaan Dalladaha ama Shahaado, waxaana intaas lagu bixiyaa $30 halka Shahaadada Dowladdana ay tahay $25 oo ay usii dheertahay Tastiiqin iyo dhalashada iyo sugnaanta.

Qofkii sanadkaan ka baxaya Dugsi sare ayaa laga qaadayaa lacag cel celis ahaan dhan $100 oo ay usii dheertahay adeegyada kale ee qoseeya Jaamacadda.

Ardayda hadii ay iska daayaan Shahaadada Dowladda, ma awoodaan in ay Jaamacad galaan sababtoo ah waxaa lagu qabanayaa Shahaadada Dowladda oo kaliya. Sidoo kalane la’aanta Dalladaha ma heli karaan Shahaadada Dowladda, waxaana muuqata in ay ku jiraan xero adag oo lacag socoto ah.

Waxaa jira culeesyo kale oo ay wajahayaan Ardayda Soomaaliyeed kuwaas oo dhamaantood quseeya qaadashada Shahaadada dowladda, iyadoo markii hore dhib badan ka maray gelista imtixaanka Dowladda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com