Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xisbiyada siyaasadeed ee ka jira dalka ayaa warsaxaafadeed ka soo saaray xaaladda cakiran ee dowlad goboleedka Galmudug.
Xisbiyada Wadajir, Ilays, Horusocod Qaran iyo xisbiga Nabadda ayaa waxa ay sheegeen inay ka walaacsan yihiin xaaladda Siyaasadeed iyo tan Amni ee maamulkaasi.
Sidoo kale waxa ay sheegeen in ay ka walwalsan yihiin waxa ka dhalan kara ciidamada ay dowladda geysay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.
Xisbiyada ayaa tilmaamay in arrintan ay ka dhalan karto amni darro, islamarkaana ay fursad siineyso kooxaha argagixisada, sida ay hadalka u dhigeen.
Waxa kale oo ay xisbiyadu ka digeen in la burburiyo Galmudug oo dhismaheedu ku baxay hanti, waqti iyo dadaal badan.
Ugu dambeyn waxa ay dowladda dhexe ka dalbadeen inay dhaqan-geliso heshiiskii ay la gashay ururka Ahlu Sunna Waljamaaca.
Halkan hoose ka aqriso:

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
[email protected]

