Xog: Mushaarka shaqaalaha gobalka Banaadir oo aan la qaadan bishii labaad

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah Shaqaalaha Dowladda Hoose ee Gobalka Banaadir ayaa wajahaya dhibaatooyin dhanka deegaanka ah, ayada oo qaar laga saaro guryihii ay deganaayeen, qaarna korontada iyo biyaha looga jartay inay lacagtii bixin waayeen, kadib markii aysan dhowr bil qaadan mushaharkooda.

Qaar kamid ah shaqaalaha Gobalka Banaadir oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in bishii July ee la soo dhaafay iyo bishaan gaba-gabada mareysa aysan qaadan mushaar halka dhamaan bilooyinkii kale ee la soo dhaafay ay qaadan jireen 50 maalmood kadib.

“Caadiyadan mushaarka waa soo daahi jiray waxaana la qaadan jiray 20-ka bisha kale waana nagula dhibsaday arintaas waayo dadka guryaha leh 5-ta bisha kadib kaama yeelayaan, waxaase ka sii daran in aanan qaadan bishii 2-aad” ayuu yiri qof katirsan shaqaalaha dowladda Hoose oo la hadlay Caasimada Online.

Maamulka Gobalka Banaadir ayaa todobaad ka hor bixiyey Mushaarka qayb kamid ah shaqaalaha Gobalka, gaar ahaan qaybta Howlaha Guud waxaana soo baxay amar lagu joojinayo bixinta mushaarka bishii hore oo bixintiisa bilaabatay maalmo ka hor.

Mushaarka oo aan badneyn, waqtiga la bixiyo oo ah 50-kii maalmood-ba mar iyo maciishadda magaalada Muqdisho oo aad u sareysa ayaa sababtay in inta badan Shaqaalaha Dowladda Hoose laga saaro guryo ay kiro ku daganaayeen oo ku yaala aagga muhiimka ah ama degmooyinka amnigooda roonyahay ee Muqdisho, oo qaali ah.

Lama oga sida uu wax uga qaban doono Guddoomiyaha cusub ee Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud “Cumar Finish” oo wada kulamo is daba-joog ah oo ku saabsan xaaladda iyo shaadada Gobalka.

Caasimada Online waxay ogaatay in dhibaato daran  ay wajahayaan shaqaalahada Gobalka Banaadir sidoo kalane aysan sax-saneyn shaqada Dowladda Hoose ee Gobalka Banaadir una baahantahay sixitaan iyo fadhiisin guud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com