FILISH oo la kulmay qoyska marxuum Injineer Yariisow

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xalay booqday qoyska uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee marxuum Ijnineer Cabdiraxmaan Yariisow.

Guddoomiyaha oo booqasho ku tegay guriga ay degan yihiin qoyska ayaa markale uga tacsiyeeyey geeridii ku timid marxuumka.

Filish ayaa sheegay in Yariisow uu dhintay isagoo u adeegaya dalkiisa iyo dadkiisa, islamarkaana uu qabtay shaqo muuqata.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in horumaradii iyo howlihii uu soo waday uu halkiisa ka sii wadi doono.

Guddoomiyaha cusub ayaa waxaa booqashadan ku wehlinayey Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, Xildhibaan Cabdiqaadir Carabow iyo xubno kale.

Ugu dmabeyn Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa Duqa cusub uga mahadceliyey qoyska booqashada uu ugu yimid iyo salaanta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com