Xog: Yaa ka dambeeyay in Jeneral Bashiir Goobe loo magacaabo xilkiisa cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Ma aheyn sheeko iyo dedaal waqti dheer lagu bixiyay in taliyihii hore ee ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Baashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) loo magacaabo maareeyaha guud ee wakaaladda hormarinta dhimsaha ee Soomaaliya kadib markii dhowaan laga qaaday xilka taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Caasimada Online ayaa ogaatay in Bashiir Maxamed Jaamac, uu shalay iyo xalay kulan la qaatay wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye, islamarkaana uu ka dalbaday in xilkaan oo ah boos muhiim ah loo magacaabo, islamarkaana ay kala hadasho ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, oo ay saaxiibo yihiin.

Wasiir Khadiijo oo ku qanacday xilkaan islamarkaana kala tashatay Bashiir Goobe iyo xildhibaan xeyle oo qaraabo yihiin labadaba ayaa xalay la kulantay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyadoo ka dalbatay in xilkaan uu u magacaabo Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac.

Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo leh awood badan oo ah guud ahaan xafiisyada dowladda soomaaliya, gaar ahaan xafiisyada madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa Kheyre ka dhameysay magacaabista Bashiir Goobe iyadoo isla-maanta lagu dhawaaqay in Bashiir Goobe loo magacaabay maareeyaha guud ee wakaaladda hormarinta dhimsaha ee Soomaaliya.

Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa dhowrkii bil ee la soo dhaafay ku howlanaa dayactirka taalooyinka qaranka ee magaalada Muqdisho iyo guryo kale oo dan guud ah.

Goobaha dayactirka lagu sameeyay islamarkaana uu hogaaminayay Bashiir Goobe, ayaa waxaa kamid ah taaladii Xaawo Taako, madxafka qaranka, tiyaatartka qaranka, taalada Dhagax-tuur iyo maktabaddii qaranka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com