Filish iyo gudoomiyeyaasha degmooyinka oo kulankii u horeeyey yeeshay maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa galabta markii ugu horeysay kulan la qaatay guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

Kulanka oo ahaa mid todobaadle ah oo ay isku xogwareysa jireen duqa Muqdisho iyo guddoomiyaasha degmooyinka gobolka ayaa qabsoomin wixii ka dambeeyay qaraxii 24-kii July maalin Arbaco ah loogu geystay xarunta ay ku shiraan ee Aqalka dowladda hoose ee Xamar.

Shirkaas oo qaatay dhawr saacadood ayaa waxaa iskugu yimid dhamaan goddonada 17-ka degmo ee gobolka,  Xoghayaha guud ee gobolka, guddoomiyaha gobolka iyo ku xigeenadiisa, waxeyna iskaga xogwareysteen sidii caadiga aheydba dhawr ajande oo ku saabsan arimaha gobolka oo uu ammaanku ugu horeeyo.

Is-barasho kaddib guddoomiye Cumar Filish ayaa mid mid u dul istaagay su’aalo weydiin ku saabsan arimaha kala ah, ammaanka, nadaafadda, canshuuraha, fulinta mashaariicda iyo waxa u qorshaysan guddoomiye kasta oo degmo.

“Guddoomiye waliba waxaan ku qiimeyn doonaa shaqada uu la yimaado, anaguna waan kula xisaabtamaynaa in shacabka loo qabtay adeegyadii maamulka laga sugayay, waa inaad la timaadaan hufnaan iyo shaqo dheeri ah oo bulshadu idinka sugeyso, gaar ahaan arrimaha amniga, bilicda, fayo-dhowrka iyo dib-u-dhiska kaabayaasha Caasimadda”, ayuu yiri guddoomiye Cumar Filish.

Kulankaan oo ah kii ugu horeeyay oo ay isku soo hor fariistaan guddoomiyaasha 17-ka degmo iyo guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir, ayaa kusoo beegmay iyadoo maalinka hor labo qarax oo is-miidaamin ah ay ka dhaceen magaalada Muqdisho, in kastoo aysan u dhicin sidii loo soo qorsheeyay oo ay ciidamada ammaanku fashiliyeen.

Caasimada Online

Xaafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com