Xoogagga Waddaniyiinta FARMAAJO oo abaabulaya banaanbax siyaasadeed culus

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa diyaarineysa banaanbax xooggan oo ka dhan ah madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Banaanbaxan la filayo inuu ka dhaco Muqdisho ayaa waxaa amray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida ay ilo-wareedyo ku sugan Villa Somalia u sheegeen Caasimada Online.

Dowladda ayaa aad u dhibsatay kulamada ay Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ka wadaan Muqdisho ee looga soo horjeedo xadgudubka ay dowladda ku sameysay xuquuqda isu-socodka muwaadinka, caburinta siyaasiyiinta iyo jidadka xiran ee Muqdisho.

Waxaa sidoo kale banaan-baxa la qorsheynayo uu yahay mid jawaab u ah ama looga hordhacayo dibad-bax kale oo madaxdiii hore ay abaabulayaan, si ay u muujiyaan inaysan la dhacsaneyn siyaasadda dowladda.

Abaabulka bannaan-baxa uu Farmaajo amray ayaa waxaa loo xil-saaray Garabka loo yaqaan Xoogagga Waddaniyiinta Farmaajo ee ku xiran Madaxtooyada Villa Somalia, si aad ahna daacad ugu ah madaxweynaha oo bil walba ka qaata mushahar.

Xoogagga Waddaniyiinta Farmaajo ayaa ah koox u carbisan abaabulka iyo guulwadeynta madaxweynaha, kuwaasoo xubno firfircoon ku leh degmooyinka Gobolka Banaadir.

Dibad-baxa ay diyaarinayaan Xoogagga Waddaniyiinta Farmaajo ayaa waxaa ka qeyb-galaya hooyooyinka ku xiran iyo kuwa ka shaqeeyaa xarumaha degmooyinka gobolka Banaadir, iyo dad laga soo wadayo qaar ka mid ah xerooyinka barakacayaasha Muqdisho.

Qorshaha banaan-baxa Xoogagga Waddaniyiinta Farmaajo  ayaa waxaa qeyb ka ah in Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif lagu calaamadeeyo qabyaalad, loona muujiyo inay madaxweynaha ku mucaaradayaan qabiil, ayaga oo adeegsanaya dadkooda oo ah qabiilka ugu awoodda weyn Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com