Khilaaf xoogan oo ka taagan maamulka HIRSHABELLE

Jowhar (Caasimada Online) – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in khilaaf hore leh oo ka dhashay dhismaha golaha deegaanka Buulo-Burte uu ka taagan yahay HirShabelle.

Sida ay ogaatay Caasimada Online khilaafka ayaa wuxuu u dhexeeyaa wasiirka arrimaha gudaha ee HirShabelle iyo odayaasha dhaqanka ee degmadaasi.

Waxgaradka Buulo-Burte ayaa ka horyimid dhismaha golaha deegaanka, waxaana ay shuruud ka dhigeen in marka hore loo sameeyo degmooyinka Jowhar iyo Beledweyne.

Dhankiisa wasiir Maxamed Cali Caadle oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay qasab tahay in la dhiso golaha deegaanka degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan.

“Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa gole deegaan sameystay degmada War-Sheekh,waxaana qasab ah in degmo ka mid ah Hiiraan sameysato Gole degaan si kuwa Jowhar loo dhameystiro.” ayuu yiri wasiir Caadle.

Warsheekh ayaa noqotay degmadii ugu horreysay ee yeelata gole deegaan, marka loo eego degmooyinka kale ee HirShabelle.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
caasimada@live.com