Waxaa saacadihii la soo dhaafay Magalada Nairobi gaar ahaan xaafada islii ka socday dhaqaale aruurin loo samaynayo dadka ku dhibaataysay magaalada B/weyne ee Gobolka Hiiraan.
Shirkada Maalin Group of companies ayaa furtay Taakulayn iyo tabarucaad ku aadan walaalha ku dhiban Hiiran Somalia, waxaana halkaas lagu aruuriyay dhaqaale garaya 150- kun oo Dolar.
Waxaa sidoo kale Taakylaynta iyo dhaqaale aruurinta ay ka socotaa masjidyada waawayn ee magaalada Nairobi gaar ahaan xaafada islii, waxaana xalay Masjidka Al-hidaya laga aruuriyay dhaqaale gaaraya ilaa 50- kun oo dolar.
Kulankana dhaqaale Uruurinta oo ay soo qaban qaabisay shirkada Maalin Group of companies oo ay gogosheeda dhigtay ayaa waxaa ka soo Qeyb galay Mas’uuliyiin uu ka mid ahaa, Sheikh maxamed Cabdi umal oo xalay Masjidka al-hidaya ka aruuriyay dhaqaale aad u badan.
Kulanka ay soo qaban qaabisay shirkada Maalin Group of companies waxaa goob jog ka ahaa shacab aad u badan o iskugu jira ganacsato aqoonyahano iyo Mas’uuliyiin uu ka mid ahaa Anbassador Maxamed Nuur Tarsan, Sheikh maxamed Cabdi umal sh abukar oo ka mid ah Ganacsatada Islii business community, iyo Gudomiyaha Jaliyada Somaliyeed magaalada Nairobi C/qaadir Cabdi Diini.
Gogoshaan ay dhigtay shirkada Maalin Group of Companies ayaa ah gogol furan oo ugu danbyn la sikugu keeni doono dhaqaalihii la soo aruuriyay.
Dhaqaale aruurintaan oo ah tii ugu waynayd ee laga sameeyo Magaalada Nairobi e dalka kenya, ayaa waxaa gosheeda dhigay shirkada Maalin Group of companies, waxaana wadooyinka isli ku arkaysaa dhalinyaro iskugu jira rag iyo dumar oo dhaqaale ka aruurinaya wadooyinka islii, waxaana sodoo kale arintaas ay si Xowli ah uga socotaa Masjidyada magaalada Nairobi gaar ahaan xaafada islii.
Wararka ayaa sheegaya in ilaa iyo haatan la aruuriyay dhaqaale ku Dhaw 500-kun oo Dolar.waxaana Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan Kenya, iyo shacabka soomaaliyeed ay dhexda u xirteen sidii ay u garab istaagi lahaayeen Walaalahooda Hiiraan ee dhibaataysan.
Cabdixakiin Cilmi Xasan
[email protected]
+254-711830393