Dowladda oo Baydhabo ku xirtay 60 qof oo fikir ahaan kasooo horjeeda Laftagareen

Baydhabo (Caasimadda Online) – Xisbiga Amni iyo Cadaalad ayaa walaac ka muujiyey xad gudubyo uu sheegay in si isdaba joog ah lagu hayo Suxufiyiinta, Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Dhaqanka koonfur Galbeed kaasoo ka socdo Magaalada Baydhabo.

Xisbiga ayaa sheegay in Maamulka Cabdicasiis Lafta Gareen si cabsi gelin ku hayaan Shacabka reer Koonfur Galbeed isla markaasna taasl oo marayo xad gudubyo ka dhan ah xaquuqda Aadanaha iyo  Xuriyatul Qowlka.

Xisbiga wuxuu cod dheer ku cambaareeyey habdhaqanka qalafsan ee lagula kacaayo bulsha weynta koonfur Galbeed iyo xariga iyo xukunka cadaalada ka fog ee lala beegsanayo dadka fakar ahaan kaduwan maamulka Lafta gareen.

Hadalka kasoo baxay Xisbiga Amni iyo Cadaalad ayaa kusoo aadayo Xilli Magaalada Baydhabo lagu xiray ku dhawaad 60 qof oo fikir ahaan kasoo horjeedo Maamulka Koonfur Galbeed.

Dadka la xiray oo isugu jiro Saxafiyiin iyo Odayaal dhaqmayeedyo ayaa waxaa ugu magac weyn:

1= Maalaq Kaskay.
2=Liiban Ibrahim Amin
3= Abdiqaadir Bare Macalin.
4= Hassan Macalin Isaaq.

Halkaan hoose ka akhriso Cambaareynta kasoo baxday Xisbiga

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com