29.9 C
Mogadishu
Thursday, November 13, 2025

Itoobiya oo xirtay inta badan maamulka gobolka Gedo, kuna qasbeysa in Farmaajo ay taageeraan (Warbixin)

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa lagu soo warramayaa inay xabsiga dhigeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Gedo iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland.

Wararka ayaa sheegaya in cutubyo ka tirsan ciidamada Itoobiya oo dhowaan gudaha u galay qaar ka mid ah degmooyinka gobolkaasi ay xireen guddoomiyeyaasha Luuq, Beled-Xaawo, Doolow iyo sidoo kale taliyaha ciidamada Jubbaland ee gobolka Gedo.

Sida aan xogta ku helnay mas’uuliyiinta iyo taliyaha ay kaxeysteen ciidamada dowladda Itoobiya ayaa lagu amray inay taageeraan islamarkaana la shaqeeyaan dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo, balse ka biyo diiday.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xubnaha la xiray ay sharuud ka dhigeen in la sii daayo wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan kadibna ay si toos ah ula shaqeyn doonan dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay madaxda sare Jubbaland oo ku aadan arrintaasi iyo xarigga lagula dhaqaaqay mas’uuliyiintaasi.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo weli halkeeda ay tahay xiisada siyaasadeed ee dowladda iyo Jubbaland, taas oo ka dhalatay doorashadii dib loogu doortay, Axmed Madoobe, islamarkaana qabsaday caleema saar aysan ogoleyn dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News