Dhoobo Daareed oo sii ballaarinaya ololaha uu ka wado gobolka Sanaag

Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee golaha wakiilada Puntland, Mudane Cabdixakiin Dhoobo Daareed ayaa maanta gaaray degmada Dhahar ee waqooyi galbeed gobolka Sanaag, si uu ballaariyo ololaha ka dhanka ah maamulka Siciid Deni.

Boqolaal dadweyne ah ayaa Dhoobo Dareed iyo wafdiga la socda ku soo dhoweeyey halkaasi, kuwaas uga hortagay duleedka magaalada.

Guddoomiyaha xil ka laga qaaday oo la hadlay warbaahinta ayaa uga mahadceliyey shacabka Dhahar soo dhoweynta ballaaran ee ay u sameeyeen, wuxuuna sheegay inay is xog wareysan doonaan, islamarkaana inta uu joogo uu la qaadan kulamo kala duwan.

Wixii ka dambeeyey Khamiistii la soo dhaafay oo kalsoonida ay kala laabteen Dhoobo Daareed xildhibaano gaaray 49 Mudane ayaa waxa uu dib ugu laabtay gobolka uu ka soo jeedo ee Sanaag, isagoona ka horyimid xil ka qaadistii lagu sameeyey.

Waxa kale uu sheegay in yahay guddoomiyaha xaqa ah ee Baarlamaanka Puntland, islamarkaana loo awood sheegtay, sida uu hadalka u dhigay.

Lama oga halka ay saldhigan doonto xiisadan, iyadoona guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland ay taageero u muujiyeen beelaha degangobolka Sanaag, gaar ahaan Beesha uu ka soo jeedp oo sheegay  inay ka tashan doono aayaheeda Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com