25.1 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Mahad Salaad: “Farmaajo ha hor-yimaado shacabka”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa ka hadlay kulankii dhex-maray madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya.

Qoraal uu Mahad Salaad soo dhigay facebook hoos ka aqriso

Madaxweyne Farmaajo cid ka aqrisanaysa in uu dhuunto majirto ee inta Ummadda hor yimaado ha u sheego waxa uu Kenya kula heshiiyay!

Warsaxaafadeedka galabta ka soo kala baxay Madaxtooyada iyo Wasaarada Arrimaha Dibeda Kenya waxa lagu sheegay in labada Madaxweyne Soomaaliya iyo Kenya Farmaajo iyo Uhuru ku heshiiyeen in arrinta dacwada Badda ee taala Maxkamadda Cadaalada Adduunka (ICJ) lagu xaliyo hab labada dhinac wada oggolyihiin. Taasoo micnaheedu yahay in dacwada Badda la soo celiyo kadibna wada hadal lagu xaliyo.

Haddaba, waan aragnay mowqifka rasmiga ah ee dowlada Kenya waxaan ka codsanaynaa Madaxweyne Farmaajo in uu Ummadda hor yimaado runtana ka sheego waxa dowlada Kenya uu kula heshiiyay. Arintaan waa arin masiiri ah oo qaranimada Soomaaliya taabanaysa, mana jirto cid ka aqrisanaysa Madaxweynaha inta qolkiisa hoosta ka xirto in aamusnaan iyo dhuumasho uu Ummadda ku siro!

Halkaan ka daawo Shirkii jaraa’id ee labada Madaxweyne

- Advertisement -

Read more

Local News