Xildhibaan ka tirsan BF oo ‘loo diiday’ inay ka dhoofto garoonka Aadan Cadde

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daleys Xasan Aadan oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegtay in saaka laga hor istaagay safar ay ku tagi laheyd Luuq Ganaane, Gedo oo ah deegaan doorashadeeda.

Xildhibaanka oo ka hor hadashay golaha shacabka ayaa tiri “ Waxaan fasax geystay guddoonka shalay in aan muddo 10 casho ah ku maqnaado deegaan doorashadeyda degmada Luuq-ganaane, Tikit ayaan goostay, waxaa la iigu yiri hal saac iyo bar subaxnimo  soo gal saaka ayaan tagay,  hadda oo la marayo shan saac iyo bar ayaa la iigu yiri ma bixi kartid, kama bixi kartid Airportiga waxaa ku heysato hey’adda nabad sugidda ee NISA, dambiga aan galay iyo kiiska aan ku bixi karin waxaa rabaa guddoonka la hor keeno, oo la galo”.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan baarlamanka ayaa sheegay in arrinta lagu sameeyey Daleys lagu daray ajandaha maanta ee kulanka baarlamaanka federaalka, si looga doodo.

“Ajandaha fadhiga Golaha Shacabka ayaa lagu daray maanta oo ISNIIN ah si looga doodo.” ayuu hadalkiis sii raaciyey xildhibaanku.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha Garoonka Aadan Cadde iyo laamaha amniga oo ku aadan falkaasi.

Arrintan ayaase ku soo aadeysa, iyadoo haatan xiisad u dhexeysa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Jubbaland ay ka taagan tahay gobolka Gedo oo haatan laga dareemayo dhaq dhaqaaq milatari iyo mid siyaasadeed intaba.