25.5 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Shuruudo 8 ah oo lagu xiray musharaxiinta guddoonka baarlamanka Galmudug

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka guddoonka baarlamaanka labaad ee maamulka Galmudug ayaa maanta oo Talaado ah waxaa ay shaaciyeen shuruudaha laga doonayo qofka u tartamayo xilalka guddoonka baarlamanka Galmudug.

Shuruudaha guddiga ay soo saareen, oo ka kooban 8 qodob, ayaa waxaa ugu muhiimsan in uu yahay muwaadin Soomaaliyeed oo kasoo jeeda deegaannada Galmudug, sidoo kalena uu heysto shahaado Jaamacadeed ama wax u dhigma.

Sidoo kale shuruudaha ayaa waxaa ka mid ah in ugu yaraan in uu leeyahay shansano oo khibrad hoggaamin maamul ah iyo inuusan gelin fal dambiyeed uu ku muteystay xukun maxkamadeed.

Musharaxa guddoomiyaha ayaa waxaa sidoo kale laga doonayaa lacag 10,000 oo dollar ah, halkan musharaxa guddoomiye ku-xigeenka koowaad laga rabo 5,000, ayada oo kan labaadna laga doonayo 2,500.

Hoos ka akhriso shuruudaha xilka guddoonka baarlamaaka Galmudug.

- Advertisement -

Read more

Local News