Faysal Cali Waraabe oo shaaciyay arrin fool-xun ‘oo uu kula’ kacay Muuse Biixi

Hargeysa (Caasimada Online) ―  Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Eng Faysal Cali Waraabe ayaa markii u horeysay shaaciyay arrin uu Madaxweyne Muuse Biixi kula kacay xili uu ku sugnaa xafiiskiisa Madaxtooyada.

Faysal Cali ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi uu la dagaalamay, isagoona ku soo tuuray dhalo meesha taalay, isla markaana uu hooyadii si fool-xun ugu gafay oo uu u geystay Aflagaado.

Faysal ayaa ka dhawaajiyey inay dhacdadaasi dhacday 27-kii bishii hore, xili ay Madaxweynaha ka wada-hadlayeen xarigii ay ciidamada boolisku kula kaceen Xoghayaha arrimaha gudaha ee Xisbiga Ucid.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo ka waramaya arrinkaasi ayaa waxa uu yiri “Madaxweynuhu waa uu ila dagaalamay 27-kii bisha, waan qarinaynay dalka dantiisa ayaan ilaalinaayay lama maqlin”.

“Xafiiskiisa ayaa uu igula dagaalamay hooyadayna wuu caayay intuu igu soo tuuray dhalo ayuu yidhi ‘hoyadaa waxaas ku samee’ laadna wuu igula soo orday, laakiin waxa la yidhi yaan la sheegin”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Hadda waanu sheegaynaa, arintaas waxa keenay Ramaax  oo waxa aan ku yidhi Ramaax waaran ayaa loo soo jaray waxa uu yidhi waa sharci, waxaan ku yidhi sharci maaha haddii ay noqotay sidaasi anaguna waa inaan is daafacnaa”.