Xaaf oo bedelay maamulkii degmada Gaalkacyo golihii deegaankana kala diray

Gaalkacyo-(Caasimada Online)-Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa xil ka-qaadis ku sameeyay gudoomiyaha degmada Gaalkacyo iyo ku-xigeenkiisa waxuuna magacaabay guddoomiye iyo ku xigeen ku meel gaar ah.

Xaaf ayaa guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee magaalada Gaalkacyo u magacaabay Saciid Salaad Cilmi, isagoo Maxamed Cali Xirsi u magacaabay guddoomiye ku-xigeen.

Sidoo kale madaxweyne Xaaf waxa uu kala diray golihii deegaanka ee magaalada Gaalkacyo, waxaana warqadda ka soo baxday xaafiiskiisa lagu cadeeyey in mudo 90 cisho ah lagu soo dhisi doono gole deegaan oo cusub.

Isla waqradan ka soo baxday xaafiiska Madaxweyne Xaaf ayaa lagu magacaabay guddiga qabanqaabada doorashada golaha deegaanka ee degmada Gaalkacyo, waxuuna giddigaas ka kooban yahay 12 xubnood.

Halkan ka akhriso warqadda