Wasiiru dowlaha howlaha guud ee DF oo is-casilay

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha howlaha guud ee xukumadda Soomaaliya Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa ku dhawaaqay inuu xilkaas iska casilay, maadaama uu ka mid yahay musharaxiinta u taagan xilka madaxwaynaha Galmudug.

Qoor Qoor ayaa ah musharaxa ay wadato xukuumadda Soomaaliya ee doorashada Galmudug, waxaana la filayaa in lacag badan oo la siinayo xildhibaanada codeynaya ay ku baxdo sidii uu ugu soo bixi lahaa xilkan.

Dowladda ayaa sidoo kale isku dayday in xildhibaanada ay soo xulayeen odayaasha qaarkood ay beddesho, si ay u xaqiijiso in lasoo magacaabo xildhibaano xukuumadda ku aragti ah, inkasta oo qorshahaas aanu guuleysan.

Qoor Qoor ayaa wajahaya loolan adag oo uga imaanaya Musharaxyo dhowr ah oo taageero ka heysta Xisbiyo iyo Ahlusuna Wal-jameeca oo xubno gaaraya 20 Xildhibaan ku leh Baarlamaanka cusub ee Galmudug.

Doorashada Galmudug ayaa la filayaa inay noqoto mid adag, waxaana wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan in lama filaan uu ka dhici karo, lagana yaabo in xukuumadda looga adkaado.

Hoos ka daawo is-casilaadda Qoor Qoor