Ciidamada Mareykanka uu tababaray oo dilay nin oday ah kadibna qaatay meydkiisa

Wanlaweyn (Caasimadda Online) – Nabadoon caan ka ahaa Goobolka Shabeelaha Hoose iyo deeganada hoos taga degmada Wanlaweyn ayaa la dilay sida ay dadka deegaanka u xaqiijiyeen Caasimadda Online.

Nabadoonka oo lagu magacaabi jiray Axmed Xuseen ayaa lagu dilay gurigiisa oo ku yaalla Xaafada Xudurweyne ee degmada Wanlaweyn.

Wararka laga helayo deegaanadaas ayaa sheegaya iney dilka geysteen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka, gaar ahaan kuwa uu tababaray Mareykanka ee ku sugan Shabeelaha Hoose.

Lama oga sababta ka dambeysa dilka nabadoonkaan caanka ka ahaa deegaanadaas, ragga dilka geystay ayaa horay u qaatay meydka nabadoonka waxeyna ka yimaadeen dhinaca Balli-doogle.

Bulshada ku dhaqan deeganaadaas ayaa ka argagaxay dilka Nabadoonka, waxaana la rajeynayaa in qaar ka mid ah odayaasha deegaanka ay aadaan xerada Balli-doogle si ay meydka nabadoonka u dalbadaan.