Garoowe (Caasimada Online) – Wasaaradda cadaaladda, arrimaha Diinta iyo dhaqan-celinta ee dowlad goboleedka Puntland ayaa si ku meel gaar ah shaqo joojin ugu sameysay shirkadaha ka shaqeeya arrimaha xajka iyo cumrada.
Warqad ka soo baxday xafiiska wasiirka cadaaladda maamulkaasi, Mudane Cawil Sheekh Xaamud ayaa si rasmi ah loogu hakiyey shaqooyinkii shirkadahaasi, waxaana loo qabtay muddo todobo cisho inay ku yimaadaan xarunta wasaaradda, si loo hubiyo.
Sidoo kale warqadaan ayaa lagu sheegay in shirkadii fulin weysa amarkasi laga qaadi doono talaabo adag oo waafaqsan sharciga.
Ugu dambeyn wasaaradda cadaaladda Puntland ayaa tilmaamtay in ujeedada u tahay in lala socdo tayada iyo habsami u socdkaa shaqooyinka ay qabtaan shirkadaasi.
Hoos ka akhriso


