Netanyahu: Xiriir ayaan la leenahay dalalka Carabta oo idil marka laga reebo laba

Tel Aviv (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in uu dalkiisa xiriir diblomaasiyadeed la leeyahay dhammaan dalalka Carabta marka laga reebo laba ama seddex dal.

Sida laga soo xigtay Channel-ka Cibraaniga ah ee “i24news”, Ra’iisul wasaaraha Israel oo khudbad ka jeedinayey shir ay isugu yimaadeen hoggaamiyaasha urururada waaweyn ee Yahuuda dalka Mareykanka oo ka dhacay magaalada Qudus ee xoogga lagu heysto ayaa sheegay inuu sii wadayo hormarinta xiriirada dalalka Carabta iyo wadamada Islaamka.

Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan idiin sheegi karaa in tirada wadamada Islaamka ama Carabtu oo aynan xiriir qoto dheer la lahayn ay yihiin kaliya laba ama saddex.”

Ra’iisul wasaare Netanyahu ayaa soo hadal qaaday booqashadii uu dhawaan ku tagay Suldanada Cumaan iyo kulankii uu la qaatay madaxweynaha Golaha Suudaan Abd al-Fattah Al-Burhan ee ka dhacay dalka Uganda.

Israel ayaa kaliya xiriir diblomaasiyeed oo rasmi ah la leh  Masar iyo Jordan oo ka tirsan Wadamada Carabta, halka warbixinada warbaahinta reer Galbeed ay ka hadlaan xiriir sii kordhaya oo ka dhaxeeyo Tel Aviv iyo wadamada Khaliijka sida Sacuudiga, Imaaraadka, Baxrayn iyo kuwa kale.

Netanyahu ayaa isbadal weyn ku tilmaamay in diyaaradaha Israel ay markii ugu horeysay isticmaalaan hawada dalka Suudaan.

Isaga taas ka hadlayo wuxuu yiri, “Dalxiisayaasha Israa’iil ee u safrayo Koonfurta Ameerika waxay ku safri karaan dhanka hawadda Suudaan. Waxaan yareeynay safarkooda qiyaastii seddex saacadood. Wixii hadda ka dambeeya uma baahna inay aadaan Spain ka dibna Afrika iyo Koonfurta Ameerika. Haatan waxay toos uga duuli karaan Sudan ilaa Brazil iyo Argentina.”

Netanyahu ayaa tilmamaay inuu kaliya si guud u sheegi karo inuu xiriir dalkiisa la leeyahay wadamada Carabta balse uusan faahfaahin kale ka bixineyn.

Wuxuu is waydiiyey “Inta la ogyahay  Intee in le’eg ayuu la egyahay xiriirka dowladeed ee aan la leenahay wadamada carabta?” “Waxay ku dhowdahay 10% oo shaacsan, balse inta kale waa xiriiro qarsoon ee aan la ogeyn.”

Wuxuu intaas ku daray, “Isbeddelo waa weyn ayaa dhacay maxaa yeelay Israel waxay hadda noqotay awood ay tahay in tixgalin lasiiyo, Dowlad kasta waxay ku qasban tahay inay Israel xiriir la sameysato si ay taas gacan uga geysato xasilloonida, mustaqlka dadka iyo sidii loo hubin lahaa mustaqbalka wanaagsan oo ay helaan dalalka, taasina waxay ku jirtaa maskaxda qof walba”.

Mar uu ka hadlayey xiisadda Iran, wuxuu Netanyahu yiri  “khatarta ugu weyn ee amniga waddamada Bariga Dhexe iyo waddamada adduunka  waxay tahay isku dayga Iran ee ah inay hesho hubka wax gumaado ee Nukliyeerka.”