26.6 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Ururka ugu weyn muslimiinta Mareykanka oo shaaciyey musharaxa ay taageerayaan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Urur siyaasadeedka ugu weyn Mareykanka ee u dhaq-dhaqaaqa arrimaha muslimiinta ayaa taageeray musharaxa xisbiga dimoqraadiga Mareykanka Bernie Sanders.

Sanders oo ku guuleystay labadii codbixin ee ka kala dhacay gobollada Iowa iyo New Hampshire ayaa bartiisa twitter-ka soo dhigay inay “sharaf” u tahay inuu helo taageerada ururka Emgage PAC.

“Ayada oo Donald Trump uu liido bulshooyinka muslimiinta, ayaa dhaq-dhaqaaqeena waxa uu ka shaqeynayaa inuu hab siyaasadeed isugu keeno muslimiinta iyo dhammaan bulshooyinka kale,” ayuu Sanders soo tweet gareeyey.

Ururka Emgage PAC ayaa sababta ay u taageereen Sanders ku sheegay in ololihiisa yahay “mid dadka oo dhan ay qeyb ka yihiin, oo ku dhisan fikrad ah in dadka oo dhan ay siman yihiin una qalmaan inay u noolaadaan si sharaf leh.”

Daraasad aan rasmi ahayn ayaa muujisay in 75% xubnaha ururkan ay taageersan yihiin Sanders.

Madaxa Emgage Wa’el Alzayat ayaa sheegay in xubnahooda ay door bidayaan siyaasadda Sanders ee caafimaadka, is-beddelka nidaamka cadaaladda, ilaalinta deegaanka, iyo siyaasaddiisa arrimaha dibedda, oo ay ku jirto taageerada xooggan ee uu u muujiyey xuquuqda Falastiiniyiinta.

Sanders oo haysta diinta Yahuudda, ayaa kulan uu qabtay Talaadaddii waxa uu ku sheegay in dowladda hadda hoggaamisa Israel ay tahay “cunsuri”, wuxuuna ballan-qaaday inuu wax ka qaban doono dhibaatooyinka ka taagan Gaza.

Sanders ayaa waxaa horey u taageeray labada gabdhood ee muslimka ah ee ku jira Aqalka Wakiilada Mareykanka, Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib.

- Advertisement -

Read more

Local News