Hargeysa (Caasimada Online) – Cabdirashiid Xuseen iyo Faysal Falaalug oo kala hogaaminayey labo Jabhadood oo ka jirey deegaanada Sool iyo Cayn ayaa si rasmiya u shaaciyay inay ku heshiiyeen dagaal ka dhan ah Xukuumada Somaliland.
Labada Jabhadood oo hore ula dirirsanaa maamulka Muuse Biixi, ayaa haddana ku midoobay inay si wada-jir ah ula dagaalamaan maamulkaasi, isla markaana ay isku biiriyaan cududooda ciidan iyo hub.
Jabhadahan oo midkoodba dhinacooda isu magacaabi jiray SSC, ayaa himika ku heshiiyay hal hogaan iyo hal ciidan oo kula dagaalamaan maamulka Muuse Biixi.
Shirar maalmihii u dambeeyay ka socday magaalada Buuhoodle, ayaa lagu soo af-jaray kala qeyb-sanaantii labada Jabhadooda, iyagoona hore uga mideysnaa dagaalka ka dhan ah Maamulka Biixi.
Labada Jabhadood ayaa si rasmiya ugu heshiiyay Nabadeynta iyo turxaan bixinta beelaha ay ka soo kala jeedaan, isla markaana ay meel adag uga soo wada jeestaan dagaalka ay kula jiraan Somaliland.
Faysal Falaalug iyo Cabdirashiid Xuseen oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay dhamaatay kala qeybsanaantii ka jirtay Jabhadaha deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn, iyagoona xusay inay u halgamayaan midnimada umadda Soomaaliyeed.
Waxayna Jabhadahan midoobey ay shaaciyeen inay isbaheysi la noqon doonaan Maamulada aaminsan midowga Soomaaliya iyo dowladda federaalka, ee ka soo horjeeda gooni isu-taaga Somaliland
Somaliland ayaa inta badan wajahda culeys ugu imaada Jabhado ka abuurmo deegaanadeeda, kuwaasi oo ka soo horjeeda hab maamulka Xukuumada, iyo weliba gooni goosaadka ay ku doodo.

