26.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Xog: Ciro oo ku fashilmay qorshe cusub oo uu rabay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan cirro ayaa ku fashilmay qorshe uu rabay in uu xisbiga uga saaro Siyaasi Maxamuud Duur iyo Xildhibaan Buubaa oo ah xubno culus oo ka tirsan Xisbiga.

Guddoomiye Ciro ayaa shir ay maalintii Axadii yeesheen guddiga fulinta ee xisbiga Waddani, wuxuu ku shaaciyay qorshihiisa uu rabo in uu xisbiga uga saaro labadaasi siyaasi.

Guddiga fulinta ayaa ka horyimid qorshaha Guddoomiye Ciro uu ku rabay in uu xisbiga uga saaro Duur iyo Buubaa, maadama ay yihiin xubno taageero ku dhex leh xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.

Labadan siyaasi ee uu Ciro rabay in uu xisbiga ka saaro ayaa waxay si weyn u soo dhaweeyeen arrin uu dhowaan soo jeediyay Madaxweynaha Somaliland, kaasi oo ahaa in dib loo furayo ururada Siyaasada.

Guddoomiye Ciro ayaa isaga u arka in ujeedka uu Biixi kalahaa furida ururada siyaasada mid xisbigiisa looga dan leeyahay in looga saaro saaxada xisbiyada Somaliland.

Qorshaha Guddoomiye Ciro ayaa ku soo dhamaaday fashil, maadama ay ka horyimaadeen xubnaha guddiga fulinta ee xisbigu, ayna ku doodeen in Labadaasi siyaasi uu xisbigu u baahan yahay.

Waxaana qorshe lamida midka Ciro, dhowaan qaaday Guddoomiye Faysal kaasi oo uu xisbiga Ucid uga saaray xubno muhiim ah oo ka tirsanaa, kuwaasi oo kala ahaa Maxamuud Cali Ramaax iyo Maxamuud Cali Jiir

- Advertisement -

Read more

Local News