Aqriso liiska Xildhibaanada cusub ee K/Galbeed iyo beelaha ay kasoo jeedaan

Baydhabo (Caasimadda Online) – Guddiga Madaxa bannaan ee xulista Baarlamaanka labaad ee koonfur Galbeed ayaa waxaa ay ku dhawaaqeen liiska xildhibaannada Cusub ee Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed oo ka kooban 95 Mudane.

Guddiga ayaa sheegay in wadatashi dheer oo ay la yeesheen odayaasha Dhaqanka Koonfur  Galbeed kadib ay soo xuleen liiska Xildhibaanadaan oo muddo badan ay ka taagneyd is qabqabsi dheer oo aan illaa hadda la xalin.

Sida ay ogaatay Caasimadda Online, inta badan xildhibaanada lasoo xulay ayaa ah kuwa ay keensatay Dowladda Soomaaliya, waxaana kursiga xildhibaanimo loo diiday dhawr mas’uul oo horey xil uga soo qabtay Koonfur Galbeed, gaar ahaan kuwii lasoo shaqeeyey madaxweynihii hore ee Maamulkaas Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Guddiga xulayey Xildhibaanada oo ahaa agaasimayaal iyo shakhsiyaad ka tirsan shaqaalaha Dowladda ayaa shaqada u qabtay sidii ay Dowladda ku amartay oo ahaa inay Xildhibaanada noqdaan kuwa daacad u ah Dowladda oo ku shaqeenayo rabitaankeeda.

Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee Koonfur Galbeed ayaa dhawaan waxaa ay dooran doonaan guddoomiye iyo kuxigeenadiisa, iyada oo la dhaarin doono.

Halkaan hoose ka akhriso liiska Xildhibaanada oo dhameystiran.