Diyaarad ka timid Imaaraadka oo laga celiyey Hargeysa iyo go’aankii DF oo dhaqan galay

Avatar

Hargeysa (Caasimada Online) – Diyaarad rakaab ah oo ka timid dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta ayaa lagu soo warramayaa in saaka loo diiday inay ka degto garoonka diyaaradaha Cigaal International, magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.

Wararka ayaa sheegaya in diyaarada oo ay laheyd shirkadda Flydubia ay dib ugu laabatay dalka Imaaraadka Carabta, iyadoo aan dajin rakaabkii ay siday.

Sida ay ogaatay Caasimada Online hay’adda duulista rayidka hawada ee dowladda Soomaaliya ayaa duuliyeyaasha ku wargelisay in diyaaradeedu aysan ka dagi karin magaalada Hargeysa, iyadoo la fulinayo amarkii ra’iisul wasaaraha ee ka hortaga Corona.

Arrintaan ayaa sidoo kale ku soo aadeysa, iyadoo maanta uu dhaqan galay go’aankii ay dowladda federaalka ku hakisay dhamaan duulimaadyada caalamiga ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in illaa iyo hadda aysan wax diyaarad ah ka soo dagin garoonka  Aadan Cadde, kadib go’aankii dowladda federaalka.

Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa Isniintii shaacisay in xanibaada ay socon doono muddo 15 cisho ah, sababo la xariira cudurka Coronavirus.

Tallaabadaan ayaa qeyb ka ah qorshaha ay dowladda uga hortageyso cudurkaan, iyadoo dhammaan albaabada isugu laabtay goobaha waxbarashada ee magaalada Muqdisho.