Shirkada Ethiopian Airlines oo qaaday talaabo ka dhana madax-banaanida Somalia

Hargeysa (Caasimada Online) ― Shirkada Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines, ee ay leedahay dowladda Itoobiya, ayaa shalay shaacisay Liiska wadamada ay joojisay duulimaadyadeeda iyo kuwa ay ka dagi doonto, xili uu aduunku wajahayo khatar ku aadan Fayruska Corona.

Ethiopian Airlines ayaa sheegtay inay gebi ahaanba joojisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay dalal badan oo ay kamid tahay Soomaaliya, kadib markii ay Dowladdu shaacisay inay joojisay dhamaan duulimaadyadii caalamiga ahaa, marka laga reebo Somaliland.

Maamulka Shirkada ayaa sheegay in duulimaadyadii ay ku tagi jirtay Somaliland ay sidoodii yihiin, midasi oo u muuqata talaabo ay ku wiiqeyso go’aankii Dowladda federaalka oo iyadu gacanta ku haysa maamulka Hawada dalka.

Shirkada ayaa go’aankeeda ku saleysay midkii ka soo baxay xukuumada Muuse Biixi oo ay uga reebtay dalka Itoobiya, wadamada ay joojisay duulimaadyadooda.

“Duulimaadyadii caadiga ahaa ee Somaliland waxay ahaan doonaan sidoodii, maadama ay shaqeynayaan garoomadii diyaaradaha ee Somaliland” ayaa lagu yiri Qoraalka shirkada Ethiopian Airlines.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore u mamnuucday dhamaan duulimaadyada caalamiga ah, kuwaasi oo ay kamid yihiin duulimaadyada ka imaanaya dalka Itoobiya, halka Somaliland oo iyadu ku dooda inay tahay dowladd ka madax banaan Soomaaliya aysan joojin duulimaadyada Itoobiya.

Ma cadda go’aanka ay Dowladda federaalku ka qaadan doonta Duulimaadyada ay Ethiopian Airlines ku tageyso Somaliland, maadama ay jabineyso go’aanada looga hortagayo faafida fayruska faraha ba’an ku haya Dunida, isla markaana ay ku wiiqeyso jiritaankeeda.