25.1 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

DF oo gaadiidka gurmadka deg-dega ah iyo dhaqaatiir geysay garoonka Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa maanta dhaqaatiir, kalkaaliyeyaal caafimaad iyo gaadiidka gurmadka deg-dega ah geysay gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Wasaaradda ayaa sheegtay in arrintaan la doonayo in lagu xoojiyo qorshaha looga hortagayo cudurka Coronavirus oo kiiskiisii ugu horreeyey dhowaan laga helay dalka.

Sidoo kale wasaaradda ayaa sheegtay in dhaqaatiirta iyo howlwadeenada caafimaad ee la geeyey garoonka ay la socon doonaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka imaanaya dalalka uu sameeyey cudurka, kuwaas oo ay dowladdu siiyey muddo labo maalin ah.

“Kalkaaliyayaal Caafimaad iyo gawaarida Gurmadka dag-dagga ah ayay Wasaaradda Caafimaadka geysay garoonka diyaarada Adan Ade Airport si ay dhammaan muwaadiniinta ka imaanaya wadamada uu xanuunku aadka ugu faafay ee ka midka ah liiska hoose ay ugaliso karantiil mudo 14 beri ah oo ka bilaabanaysa marka ay wadanka soo gaaraan iyada oo sidoo kalene la hubin doono bad-qabka muwaadiniinta kale ee ka imaanaya wadama aan ku jirin liiska hoose lana siin doono talooyin caafimaad.” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed maanta ka soo baxay wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya.

Qoraalka ka soo baxay wasaaradda ayaa sidoo kale lagu sheegay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka imaanaya wadamada uu sida ba’an uu sameeyey cudurka la karantiili doono illaa muddo 14 cisho ah, gaar ahaan dalalka:- Shiinaha, dhammaan dalalka Yurub, Maraykanka, Koonfurta Kuuriya, Australia, Canada, Turkiga, Iiraan, Pakistan, Masar, Hindiya, Imaaraadka Carabta, Malaysia, Sacuudiga iyo Koonfur Afrika.

Dowladda federaalka ayaa wada guud ahaan qorshe ballaaran oo looga hortagayo caabuqa Corona oo markii hore ka soo bilowday dalka Shiinaha.

 

- Advertisement -

Read more

Local News