QM oo WAR ka soo saartay GO’AANKA uu qaatay DENI

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa amaantay oo soo dhaweeyey go’aanka uu madaxweynaha Puntland Saciid Deni ku qaatay inuu ku yimaado Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Sidoo kale Qaramada Midoobay  ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay xubnaha Dowladda Soomaaliya ka socday ee ka qeybgalay shirka wadatashiga Puntland, kuwaas oo iyagana soo dhaweeyey go,aanka Deni ee ah inuu Muqdisho imaado.

QM ayaa sidoo kale xustay inay ka war sugeyso natiijada kasoo bixi doonto kulanka la filayo inay yeeshaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Puntland Saciid Deni, si loo sii hormariyo wadahadalada ku dhisan danta guud.

Hadalka kasoo yeeray Qaramada Midoobay ayaa kusoo aadayo xilli xubnihii ka koobnaa Xildhibanada iyo Wasiirada ee ka socday Dowladda Soomaaliya iyo madaxweynaha Puntland Saciid Deni ay ku heshiiyeen inuu yimaado Muqdisho si uu ula kulmo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasiiro ka tirsan Puntland oo maanta la hadlay qaar kamid ah warbaahinta ayaa si kastaba sheegay in Madaxweyne Deni uusan Muqdisho u tagayn wada hadal uu la galo madaxda Federaalka, basle uu tagayo u gogol xaarka shirka ay Puntland ugu baaqday dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Dani oo Madaxweynaha Puntland loo doortay 8 January sanadkii 2019,waxaana mudadii ka dambeysay doorashadiisa uusan imaan Magaaladda Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, waxaana jiray khilaaf xoogan oo kala dhexeeyay Dowladda Faderaalka Soomaaliya.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka Qaramada midoobay