Xildhibaano sheegay inuu Cawad uga been abuurtay qoraal ‘looga soo dhiibay’ madaxtooyada Soomaaliya

Garowe (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka oo shir jaraa’id caawa ku qabtay magaalada Garowe ayaa sheegay in war-saxaafadeedkii shalay kasoo baxay wasiirrada dowladda federaalka ee ku sugan Garowe aysan iyaga ku metelin, iyagoo ku tilmaamay qoraalkaas laga soo yeeriyey Villa Somalia.

“Waxaan cadeyneynaa in aanu wasiirku nagu metelin warsaxaafadeedka uu sheegay in ay saareen wafdigii ka yimid federaalka, waxaan kaloo cadeyneynaa in war-saxaafadeedkaasi uu ku koobnaa wasiirradii soo jeediyey ee ka socdey dowladda federaalka” ayaa lagu yiri qoraalka xildhibaanada.

Xubnahaan ayaa sheegay in ay ayaan darro u arkaan amaal dhac ay sheegeen in ay ku kaceen wasiirrada federaalka, iyadoo loo sameeyey casuumaad heer keedu sareeyo, sida ay hadalka u dhigeen.

“Waxaan marqaati ka nahay in wasiirrada ka yimid DF ay qeyb muhiim ah ku lahaayeen qaabeyntii iyo qoraalkii kasoo baxay shirkii wadatashiga, waxaana wasiirrada fursad loo siiyey in ay taladooda iyo fikirkooda ku darsadaan war-murtiyeedka, hase yeeshee waxaa nasiib darro ah in ay war-saxaafadeed soo saareen seddax maalin kadib markii uu soo gabagaboobay shirkii, taas oo ka turjumeysa in uu yahay qoraal laga soo yeeriyey Villa Somalia”ayaa lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyntii xildhibaanada soo saaray qoraalkan ayaa sheegay in wasiirkii akhriyey qoraalkii shalay uu ka hoos maray maqaamkii laga filayey, isla markaana uu sixun u turjumay qoraalkii tilmaamayey ‘xadgudubyada madaxda federaalka ku heyso’ maamul goboleedyada dalka.