‘Madaxweyne Laftagareen 9-ka xildhibaan ee Hawiye xitaa waa nagu badiyey’

Meel kasta oo ay Soomaali wax ku qeybsato qolo ayaa qeylisa waxeyna noqotay suno-Soomaaliyeed. Anigu waxaan qabaa 9ka xitaa waa nagu badantahay. Baarlamanka Koonfur Galbeed waxaa guud ahaantiis la dhimay 35% taas oo ka dhigan in qolo walba ay lumisay kuraasteedii 3/1, waxaana ninkii 20 heystay uu lumiyay 7 kursi.

Anigu Waxaan qabay in Baarlamanka KG lagu soo koobo 61 xildhibaan, madaama xildhibaan duureedyadu aaney waxba qaban oo culees ba’an ay ku hayaan maamulada ka jira dalka. Xildhibaanada Dowladda dhexe ayaa xitaa u baahan in si guud loo dhimo.

Doodda reer Koonfur Galbeed ee la xiriirta in aan xitaa gudoomiye waaxeed laga siinin gobalka Banaadir waa mid sax ah. Hadii deegaan la eegaayo ama sida reeruhu magaalada caasimada ah u joogaan waxey reer Koonfur Galbeed 100% ka xaq lee yihiin ninka reer Garoowe ee loo dhiibay degmada Cabdicaziiz. Waxaan dhihi karnaa waa walaallo la xaqiray, oo samray.

Lafta Gareen ragga loo diray iney lasoo kulmaan waa inuu yiraahdaa Xamar ma iiga wadaan gudoomiye degmo si aan doodda u furno. Hadii uu halkaas istaago waxaan hubaa in Ragga qaar soo carari doonaan iyagoo Farmaajo eegaya.

Hadii wasiiraddii xalay ku shiray Muqdisho ay rabaan iney xaq reer raadiyaan Jubbaland ha kasoo bilaabaan, halkaas ayey ka jirtaa xisaab badan oo qaldan oo reerka ah.

Mida kale hadii kuraas badan oo reerka aan ka dhashay la siiyo ay wax qabaneyso waxaa laga arki lahaa Galmudug (58 xubnood), Hirshabeelle (62 xubnood) iyo Banaadir (13 degmo) iyo madaxda sadexdaas maamul. Mudanayaal waxa maqan waa taqaannaan ee si dhab ah halooga hadlo hadii kale ummadan dhiban beenta iyo huuhaada ka dhaafa.

Ragga aan maanta ku dhaganahay halkaas maamul goboleed ayey dalka oo dhan ku lee yihiin, waana qanacsanyihiin, marka walaalayaal nafteena aan xisaabino marka hore.

W/Q: Abdullahi Osman Farah

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid