DF oo go’aan kasoo saartay dadka dalka imanaya kadib markii fasaxii duulimaadyada

Muqdisho Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya ayaa sheegtay in muddo 14 maalmood ah la karantiili doono dhammaan dadka dalka imanaya kadib markii muddo laba maalmood ah la fasaxay duulimaadyada.

Qoraalka ay soo saaray wasaaradda ayey ku tiri in “ayada oo tixraacaysa war-saxaafadeedkii ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee lagu fasaxayay diyaaradaha dalka soo galaya muddo 2 maalmood ah, waxa ay ogeysiinaysaa dhammaan muwaadiniinta imanaya dalka in ay raacaan kuna dhaqmaan tallooyinkaan soo socda”:

Dhammaan muwaadiniinta ka imaanaya wadamada uu xanuunku aadka ugu faafay ee ka mid ah liiska hoose ay gali doonaan karantiil mudo 14 beri ah oo ka bilaabanaysa maalinta ay yimaadaan:

1. Shiinaha
2. Yurub
3. Maraykanka
4. Koonfurta Kuuriya
5. Australia
6. Canada
7. Turkiga
8. Pakistan
9. Masar
10. Hindiya
11. Imaaradka Carabta
12. Malaysia
13. Sacuudiga
14. Koonfur Afrika

Wasaaradda caafimaadka ayaa sidoo kale sheegtay inay fareyso muwaadiniinta ka imaanaya wadamada ka baxsan kuwa kor ku xusan in ay mudo 14 beri ah:

• Xaafadahooda joogaan si ay uga fogaadaan tagista meelaha lagu badanyahay.
• Inay ka fogaadaan qoyska intiisa kale oo goob ay kaligood ku yihin guriga dhexdiisa ka joogaan.
• Waa in ay wax ku cunaan ama ku cabaan weel u gaar ah.
• Waa in ay ka taxadaraan nadaafada suuliga iyo agabka kale oo ay qoysku wada isticmaalaan
• Hadii ay isku arkaan calaamadahan ay ka midka yihiin qandhada, qufaca iyo neef-qabashada waa in ay soo wacaan 449 si loo caawiyo.

Waxa ay Wasaaradda Caafimaadka ayaa ku adkaysay muwaadiniinta imaanaya in ay ku dhaqmaan ayna fuliyaan awaamiirta iyo tallooyinka kor ku xusan.