Somaliland oo war ka soo saartay ‘muranka’ DF kala dhaxeeya ee duulimaadyada

Hargeysa (Caasimada Online) ―  Xukuumada Somaliland ayaa maanta markii u horeysay si rasmiya uga hadashay muranka Hawada ee kala dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya.

Somaliland ayaa sheegtay in Dowladda federaalku ay dhowrto “jaarnimada kala dhaxeysa”, maadama ay yihiin Labo dowladood oo jaar ah, sida uu sheegay Mareeyaha guud ee duulista iyo hawada Somaliland.

Cabdi Maxamed Rodol, Mareeyaha guud ee duulista iyo hawada Somaliland oo maanta warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in go’aamadoodii dhanka Duulimaadyada ay sidoodii u hirgaleen.

Rodol ayaa xusay in Somaliland ay u madax-banaan tahay xuduudaheeda maamulkooda, isagoona hoosta ka xariiqay in maamulka Hawadooda ay mas’uuliyadeeda ay leedahay Xukuumada Muuse Biixi.

Sidoo kale waxa uu dowladda federaalka ku eedeyay inay ka faa’iideysaneyso Wax caalamiya oo ka dhaxeeya dunida, inkasta oo uusan si cad u carabaabin, balse uu xusay in DF ay isku dayeyso inay khal-khal galiso arrinkaasi.

Maareeyuhu gebi ahaanba kama hadal Diyaaradii dhowaan laga celiyay Hawada Somaliland, oo Dowladda federaalku ku wargelisay inaysan ka dagi karin Hargeysa, iyo Xog cusub oo ay heshay Caasimada Online oo tibaaxaysay in Garoonka Hargeysa ka soo dagtay diyaarad ka timid Muqdisho, midaasi oo hore u xayirtay xukuumada Biixi.